Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Tababaraha kooxda Manchester United ee Erik Ten Hag ayaa sharaxay wixii kooxdiisa ka qaldamay kulankii ay xalay guuldarrada 3-2 ah kala kulmeen kooxda hoggaank Premier League haysa ee Arsenal.
Ten Hag ayaa ku sababeeyay guuldarradaas qaladaad isagoo qaba in dhammaan saddexda gool ee kooxdiisa laga dhaliyay laga hortagi karayay oo ay qaladaad ka yimaadeen.
“Malaha saacadaha soo socda ayaanu garan doonaa inaanu boos wanaagsan joogno, garan doonaa inaanu horumar wanaagsan samaynayno, nidaam wanaagsan balse wakhtigan waan cadhaysanahay, sidoo kale waxaan u sheegay ciyaartoyda haddii aynu doonayno inaynu koobab ku guuleysano waa inaynu bedelno hab maskaxeedkeena”.
Intaas kaddib tababaraha Dutch-ka ah ayaa sheegay inuu aaminsan yahay inuu bedeli karo hab maskaxeedka xiddigaha kooxdiisa oo doonayo inuu kusoo celiyo u tartamista horyaalka oo ay mudo dheer la’ayd kooxdu.