Man United Oo Lagu Dhegay Waqtiga Dhimashada, Kaalinta 2aad Oo Loo Diiday & Casemiro Oo Seegaya Kulanka Arsenal.

0
75

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Laad xor ah oo ay dhalisay Crystal Palace waqtigii dhimashada ciyaarta ayaa guul muhiim ah uga horjoogsadeen Manchester United iyagoo ku qabqabtay barbaro 1-1 ah ciyaar xiiso badaneyd oo ak dhacday garoonka Selhurst Park.

Gool uu qeybtii hore dhaliyay Bruno Fernandes ayay Manchester United hogaanka ku qabatay laakiin laado xor ah uu saxiixay waqtigii dhimashada ciyaarta Olise ayay ku barbareysay Crystal Palace taasoo Man United u diday inay kaalinta labaad soo gasho iyagoo haatan ku jira kaalinta 3aad islamarkaana 39 dhibcood la wadaaga Man City iyagoo kulan sii hor ciyaaray

Guusha Man United loo diiday waxaa u sii dheer inay ka murugeysan yihiin in mashiinkooda khadka dhexe Casemiro inuu ka maqnaanayo kulanka Axada ee Arsenal ka dib markii uu caawa qaatay jaalihiisii shanaad ee xilli ciyaareedka.

Crystal Palace ayaa qeybtii hore ee ciyaarta dhibaato u abuureysay kooxda Manchester United iyagoo kubada la qeybsanayay kooxda martida aheyd.

Goolhaye David de Gea ayaa sameeyay badbaadin fantastik ah markii uu kubad gool loo fishay faraha foodooda uga bixiyay Edouard taasoo ku sii dhacday birta.

lcimg d2d22981 79b2 434d 864e 52116e7e672e

:Laakiin iyadoo ciyaarta la isku mari la’ yahay ayay hal mar Man United heshay fursad ay hogaanka ugu qabteen ciyaarta markii Christian Eriksen uu kubad u dhigay Bruno Fernanes oo waayay cid raacata ka dibna isku qaabeeyay inuu darbo fiican dhex dhigo shabaqa.

Waa goolkii 7aad uu Eriksen caawiye ka noqdo horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan, waxaa ka caawin badan kaliya Kevin de Bruyne.

Daqiiqadii 72aad Man United ayaa rigoore ku dooday markii Soctt McTominay uu ku dhex dhacay xerada ganaaxa ka dib kubad ay ku xafiiltameen Richards. Var oo dib u eegtay dhacdada ayaana go’aamisay inaysan rigoore aheyd.

Daqiiqadii 75aad David de Gea ayaa badbaadin kale oo cajiib ah sameeyay ka dib markii uu feer ku bixiyay kubad madax aheyd oo gool loo fishay oo ka timid Guehi.

Casemiro ayaa kaarka hurdiga ka qaatay Manchester United daqiiqadii 80aad markii uu qalad ku galay Wilfred Zaha taasoo la micno ah inuu ganaax ku seegayo kulanka Arsenal ee Axada.

Daqiiqadii 1aad ee afar daqiiqo oo ciyaarta lagu daray, laad xor ah oo loo dhigay Crystal Palace ayuu Olise shabaqa ku hubsaday isagoo u barbareeyay kooxda martida loo ahaa.

Waxay ciyaarta ku soo dhamaatay 1-1 oo ay Manchester United taako loogu dhigay.