Manchester City oo qarka u saaran inay Lasoo Wareegto saxiixa Maximo Perrone.

0
178

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay qarka u saaran tahay inay dhameystirto saxiixa Maximo Perrone oo ay kala soo wareegayaan Velez Sarsfield toddobaadkan.

Citizens ayaa la fahamsan yahay in ay wadahadalo la bilowday kooxda reer Argentine bishii December si ay u helaan saxiixa xiddiga khadka dhexe ee aadka loo qiimeeyo, kaasoo Sabtidii u dabaaldegay dhalashadiisa 20aad.

Perrone waxa uu u saftay Velez bishii March ee sannadkii hore waxana uu si degdeg ah u noqday ciyaaryahan muhiim ah intii lagu jiray ololihii 2022, isagoo dhaliyay saddex gool 33 kulan oo uu u saftay horyaalka Primera Division iyo Copa Libertadores.

 

Kor u kaca degdega ah ee da’yarkan ayaa soo jiitay indhaha kooxda difaacanaysa horyaalka Premier League ee Man City, wuxuuna hadda qarka u saaran yahay inuu noqdo saxiixoodii ugu horreeyay ee suuqa jiilaalka.

Sida laga soo xigtay Daily Mail , Citizens ayaa ogolaatay qiimo dhan 6.5 milyan ginni si ay ula soo saxiixdaan Perrone, u wareegistiisa Etihad Stadium ayaa lagu wadaa in la soo gabagabeeyo marxaladda isbuucaan.

Newcastle United , Wolverhampton Wanderers iyo Benfica ayaa sidoo kale loo aqoonsaday inay xiiseynayeen Perrone bishaan, laakiin City ayaa u muuqata inay ku guuleysatay tartanka saxiixiisa.

Perrone ayaa la filayaa inuu ku biiro kooxda Pep Guardiola , waxaana la qiimeyn doonaa inta lagu jiro qeybta labaad ee ololahan ka hor inta aan go’aan laga gaarin inuu kooxda sii joogi doono ama uu amaah ku aadayo xilli ciyaareedka soo socda.