Taageerayaasha madaxweynihii hore ee Brazil oo xoog ku galay baarlamaanka, maxkamadda sare iyo madaxtooyada.

0
128

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Taageerayaasha madaxweynihii hore ee Brazil Jair Bolsonaro oo diiday inuu aqbalo natiijada doorashadii madaxtinimada ee dalkaas ka dhacday ayaa waxay xoog ku galeen aqalka Congress-ka, dhismaha maxkamadda sare iyo xarunta madaxtooyada ee dalkaas.

Kumanaan ka mida debedbaxayaasha ayaa dhaafay goobaha laga sugo ammaanka xarumahan dawladda, iyada oo qaar ka mida debedbaxayaashu ay u baxeen saqafka sare ee dhismayaasha, halka qaar kalena ay burburiyeen muraayadihii ku yaallay daaqadaha.

Laamaha ammaanka ee dalka Brazil ayaa intaas ka dib waxay sameeyeen hawlgallo kala duwan oo ay taageerayaasha cadhaysan kaga saarayaan dhismayaasha dawladda. Intii ay hawlgalladani socdeen, waxay xabsiga dhigeen boqollaal ka mida debedbaxayaasha xoogga ku galay dhismayaasha dawladda.

Taageerayaasha Bolsonaro ayaa tan iyo 30-kii bishii Oktoobar waxay dhigayeen mudaharaado ay uga soo horjeedaan guusha doorashada madaxweyne Lula da Silva, iyagoo xidhay waddooyinka, mararka qaarna dab qabadsiiyay baabuur, waxayna isku urursadeen bannaanka dhismayaasha militariga.