Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Manchester United ayaa u soo gudubtay wareega afaraad ee 16ka kooxood ee koobka FA Cup ka dib markii ay 3-1 ku dubteen kooxda Everton oo marti ku aheyd garoonka Old Trafford. Waa guushii 7aad oo isku xigta oo ay gaaraan.
Natiijadaan waxay culeyska ku sii kordhineysaa tababare Frank Lampard oo qarka u saaran in la ceyriyo iyadoo kooxdiisa ay haatan ka hartay FA Cup islamarkaana ay ku jirto kaalinta 18aad ee looga haro Premier League.
Kooxda Shayaadiinta Cas Cas waxay ku qaadatay kaliya afar daqiiqo inay hogaanka u qabato ciyaarta markii karoos uu soo dhigay Marcus Rashford uu shabaqa ku taabtay Antony.
Waa goolkii ugu horeysay ee David de Gea laga dhaliyo tan iyo bishii November isaga ayaana isagu sabab ahaa.
Ka dib goolkaas barbaraha ciyaarta ayaa noqotay mid xamaasad leh iyadoo goolhayaha Everton Jordan Pickford uu sameeyay badbaadino cajiib ah iyadoo lagu kala nastay barbaro gool iyo gool ah.
Marucs Rashford ayaa karoos soo dhigay iyadoo Coady uu ku guuleystay inuu kubada dabamariyo goolhayihiisa Jordan Pickford.
Daqiiqadii 74aad Everton ayaa mooday inay ciyaarta barbareeyeen markii uu Calvert-Lewin shabaqa soo taabtay laakiin goolka waxaa diiday VAR madaama uu offside ka horeeyay.
Tababare Erik ten Hag oo ka baqayay in kooxdiisa lagu qasbo kulan ku celis ah ayaa difaaciisa adkeeyay isagoo bixiyay ciyaartoyda sida Christian Eriksen, Antony iyo Tyrell Malacia, wuxuuna soo geliyay Lisandro Martinez, Harry Maguire iyo Scott McTominay.
Daqiiqadii 5aad ee lix daqiiqo oo ciyaarta lagu daray, Garnacho ayaa kubad weerar ah la galay xerada ganaaxa laakiin waxaa jalaafeeyay Godfrey taasoo keentay in Man United loo dhigay rigoore.
Waxaa rigoorada u soo istaagay Marcus Rashford oo gool u sarifay islamarkaana natiijada u xaqiijiyay Manchester United.
Waxay ciyaarta ku soo dhamaatay 3-1 oo ay Manchester United ku garaacday kooxda Everton.