Man City Oo Garaacday Chelsea, Farqigii Hogaanka Arsenal Oo La Soo Yareeyay Iyo Hamigii Chelsea Ee Top 4 Oo Dhintay

0
118

Manchester City ayaa farqiga hogaanka Premier League ee Arsenal ka soo dhigtay shan dhibcood ka dib markii ay 1-0 ku garaaceen kooxda Chelsea oo marti loogu ahaa Stamford Bridge.

Gool uu dhaliyay Riyad Mahrez qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa ka saaciday Man City inay garaacdo Blues oo dhaawacyo ay diloodeen iyadoo Man City ay haatan shan dhibcood ka danbeyso Gunners.

Dhanka Chelsea waxay u dhacday kaalinta 10aad iyagoo 10 dhibcood ka danbeeya kooxda kaalinta afaraad ee Manchester United, halka ay sidoo kale 10 dhibcood ka sareeyaan kooxda ku jirta kaalinta lagu haro ee 18aad ee Everton.

Ciyaarta ayaa aheyd mid adag qeybtii hore iyadoo Chelsea ay qarka u fuushay inay hogaanka u qabato ciyaarta markii Chukwuemeka uu birta garaacay.

Halka City ay iyadana heshay kaliya hak fusad oo weyn markii uu Haaland awoodi waayay inuu shabaqa ku taabto kubada loo soo dhigay bartamihii qeybta koowaad.

Blues oo lagu qasbay inay labo bedel sameyso 20kii daqiiqo ee ugu horeeyay ciyaarta ka dib markii ay ka dhaawacmeen Raheem Sterling iyo Christian Pulisic ayaa soo bandhigtay qaab ciyaareed fiican iyagoo boosas banaan ka helayay Man City oo isku dheelitirnaanta ay ka maqneyd.

Waxay taasi keentay in waqtigii nasashada uu tababare Pep Guardiola bixiyo Cancelo iyo Kyle Walker wuxuuna ku soo bedelay Manuel Akanji iyo Rico Lewis.

Man City ayaa qeybta labaad ku bilaabatay si fiican iyagoo cadaadis xoogan saaray Chelsea islamarkaana ku qasbay inay difaac galaan.

Daqiiqadii 51aad City ayaa ku dhawaatay inay hogaanka u qabato ciyaarta markii karoos uu soo dhigay Kevin de Bruyne uu madaxa la helay Nathan Ake oo birta garaacay. Chelsea oo ay ku adkeyd inay kubada iska bixiso ayaa daqiiqadii ku xigay waxaa darbo ku helay De Bruyne iyadoo uu badbaadiyay goolhaye Kepa.

10 daqiiqo markii ay socotay qeybta labaad Chelsea ayaa ka baxday cadaadiskii ay ku hoos jirtay iyadoo Thiago Silva uu u dhawaaday inuu hogaanka u dhiibo balse uu darbo fiican hareermariyay goolka.

Tababare Guardiola ayaa labo bedel kale sameeyay daqiiqadii 60aad isagoo soo geliyay Jack Grealish iyo Riyad Mahrez kuwaasoo bedelay Phil Foden iyo Bernando Silva.

Seddex daqiiqo markii ay garoonka ku jireen waxay labada xiddig ee bedelka ku soo galay ku guuleysteen inay hogaanka u dhiibaan Manchester City. Jack Grealish ayaa baas fiican soo hordhigay goolka iyadoo Riyad Mahrez uu ka soo hormaray Cucurela islamarkaana uu kubada shabaqa ku taabtay.

Tababaraha Graham Potter ayaa isna seddex bedel hal mary sameeyay isagoo bixiyay Aubameyang oo aan ciyaartaan ku soo bilaabanin wuxuu sidoo kale bixiyay Cucurella iyo Ziyech isagoo ku bedelay da’ yarta Omari Hutchinson, Lewis Hall iyo Conor Gallagher.

Daqiiqadii 73aad Man City ayaa ku dhawaatay inay hesho goolkeedii labaad markii De Bruyne uu kubad macaan soo hordhigay goolka laakiin waxaa gaari waayay Haaland oo u baahnaa inuu shabaqa oo faaruqa ah ku riixo.