Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Madaxa fulinta ee shirkadda looga ganacsado qaabka online-ka ee Amazon Andy Jassy ayaa shaaciyay inay meesha ka saari doonaan in ka badan 18,000 oo ah howlwadeennada shirkadda.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in go’aankan uunan ahayn mid si fudud lagu qaatay maadaama ay dadku ku adag tahay in laga eryo shaqooyin ay ku tiirsanayeen.
Shirkadda Amazon ayaa tallaabada ay qaadday u aaneysay hubanti la’aan dhanka dhaqaalaha ah.
Madaxa fulinta ee Amazon ayaa intaasi ku daray in xilligii cudurka COVID-19 uu aad u sarreeyay la shaqaaleysiiyay dad badan taaso ay hadda danta keentay in la dhimo.
Bishii 11-aad ee sanadkii hore ayay ahayd markii ay shirkaddan sheegtay inay shaqooyinka ay hayaan ka eryi doonto 10,000 oo qof.
Dhammaadkii bishii Sagalaad ee sanadkii hore waxaa shirkadda online-ka ee Amazon u shaqeynayay 1.54 milyan oo qof.