Dowladda Shiinaha oo dhaliishay xayiraad ka dhan ah rakaabka dalkeeda ka safro.

0
115

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Dowladda Shiinaha ayaa arrin aan la aqbali karin ku tilmaantay in qaar ka mid ah dalalka caalamka ay xayiraado saareen shacabka halkaasi ka soo safraya.

Waddamada ku adkeysanaya in rakaabkan ay qasab ku tahay inay soo bandhigaan natiijo ah in laga baaray oo laga waayay cudurka COVID-19 ka hor inta aynan soo ambabixin waxaa ka mid ah Maraykanka , Canada, Japan iyo Faransiiska.
Xaaladaha corona ee Shiinaha ayaa kordhay ka dib markii bishii Diseembar ee sanadkii hore ay xukuumadda Beijing meesha ka saartay xayiraado ay ku xakameynaysay faafidda cudurka.
Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Shiinaha Mao Ning ayaa shir jaraaid oo ay maanta qabatay ka sheegtay in dalalka qaar ay bartilmaameed gaar ah ku hayaan muwaadiniinta Shiinaha.
Waxay hoosta ka xarriiqday in dowladda dalkaasi ay qaadi karto tallaabooyin falcelin oo aargoosi ah.