Qaramada Midoobay oo joojisay qaar kamid ah howlihii ka socday Afganistaan.

0
142

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqday in si ku meel gaar ah   loo joojiyay qaar ka mid ah barnaamijyada samofal ee ay ka wadeen gudaha Dalka Afganistaan.

Qaramada Midoobay ayaa digniin ku bixisay in hawlo kale oo badan ay sidoo kale u badan tahay in la hakiyo ka dib markii Taliban ay mamnuucday haweenka ka shaqeeyay howlaha gargaarka ah.

Isku duwaha gargaarka degdega ah ee Qaramada Midoobay Martin Griffiths iyo kooxaha gargaarka caalamiga ah ayaa ugu baaqay mas’uuliyiinta Taliban inay ka noqdaan mamnuucida haweenka ka shaqeeya waaxda bini’aadanimada.

Sidoo kale qaramada midoobay ayaa Taalibaan ka dalbatay inay joojiyaan dhammaan awaamiirta haweenka ka mamnuucaya dugsiyada, jaamacadaha iyo nolosha guud.