Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Manchester United ayaa guul ka gaartay kooxda Nottingham Forest kulan ka tirsan horyaalka Premier league-ga oo ka dhacay Garoonka Old Trafford iyadoo ku dubatay kooxda 3-0.
Labo gool oo ay kala dhaliyeen Marcus Rashford iyo Antony Martial qeybtii hore iyo goolka 3aad uu dhamaadkii ciyaarta dhaliyay Fred oo bedel ku soo galay ayaa ka caawiyay United inay seddexda dhibcood xaqiijisato waxayna haatan hal dhibic kaliya ka danbeeyaan kooxda kaalinta afaraad ee Tottenham
Antony Martial ayaa hogaanka u dheereeyay Manchester United Daqiiqadii 22aad Waxana uu Shabaqa dhex-dhigay kubad uu ka helay Marcus Rashford iyadoo lagu kala nastay labadaasi gool.
Fred ayaana ciyaarta hurdo u diray daqiiqadii 87aad isagoo bedel ku soo galay markii uu shabaqa ku hubsaday baas dhex bixis ah uu ka helay Casemiro.
Ciyaarta waxay ku soo dhamaatay 3-0 oo ay Manchester United ku garaacday kooxda Nottingham Forest oo ku jirta kaalinta 19aad ee kala sareynta horyaalka Premier League.