Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Afhayeenka Aqalka Wakiillada Mareykanka Nancy Pelosi ayaa taageertay in lagu daro doodda miisaaniyadda maaligelinta dowladda Federaalka sharciga uu ansixiyay Aqalka Sare ee Senate-ka toddobaadkan, kaas oo ka mamnuucaya shaqaalaha dowladda federaalka Mareykanka inay isticmaalaan aaladda TikTok ee Shiinaha laga leeyahay.
Afhayeen u hadlay Pelosi ayaa sheegtay inay taageersan tahay in lagu daro qodobka TikTok doodda Golaha Wakiilada ee toddobaadka soo socda.
Senetka ayaa Arbacadii u codeeyay hindise sharciyeed uu qoray Seneter Josh Hawley oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga, kaas oo shaqaalaha dowladda ka mamnuucaya inay App-ka Tiktok ku isticmaalaan Kumbuyuutarada iyo telefoonadda dowladda.