Arsenal oo Qarka usaaran inay heshiis cusub ka saxiixato Gabriel Martinelli.

0
154

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhowdahay inay heshiis cusub ka saxiixato weeraryahanka reer Brazil Gabriel Martinelli .

21-sano jirkaan ayaa cirib dhigay booska garabka bidix ee Gunners XI intii lagu jiray dhaawacii Emile Smith Rowe , waxaana uu dhaliyay shan gool iyo labo caawin 14 kulan oo Premier League ah xilli ciyaareedkan.

Wax ku biirinta Martinelli ayaa ka caawisay Arsenal inay shan dhibcood ka hooseyso Manchester City oo hogaanka horyaalka ku heysa , waxaana loogu yeeray xulka Brazil ee ka qeyb galaya Koobka Adduunka 2022.

Sida ay wax u socdaan, Martinelli waxa uu noqon karaa wakiil xor ah dhamaadka xilli ciyaareedka 2023-24, laakiin Arsenal ayaa ka shaqaynaysay sidii ay ugu xidhi lahayd heshiis cusub iyada oo ah arrin mudnaan leh.