Nin gabdhaha uu shukaansado ‘kabaha ka xadi jiray’ oo si layaab leh lagu ogaaday.

0
122

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Ninkan oo lagu soo oogay dacwad ku saabsan in uu geystay falal xatooyo ah ayaa kabo iyo Laptop uu ka xaday saaxibtii siiyay gabadh kale uu shukaansan jiray.

Ryan Lusalishi ayaa lagu eedeeyay intii u dhexeysay 7 iyo 8 November in gabadh la yiraahdo Elizabeth Okumu oo ku sugneyd Nairobi uu ka xaday boorso uu ku jiray Laptop.

Gabadhan oo shaqo ku maqneyd markii ay guriga dib ugu laabatay waxay waysay Laptop-keedii, kabaheedii iyo kaarkii bankiga ee ay lacagta kula bixi jirtay, sida uu ku warramay wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa Kenya.

Markii dambe waxaa loo soo diray farriin ku saabsan in uu guul dareystay isku day lacag loogala bixi rabay akoonkeeda bankiga.

Elizabeth Okumu waxaa isla markiiba galay shaki, waxayna arrinta ku wargelisay booliska.

Gabadh kale oo ninkan ay saaxiib ahaayeen ayaa booliska u sheegtay in uu haddiyad ugu keenay kabihii uu gabadhaas kasoo xaday.

Markii dambe waxaa la xiray Lusalishi, waxaana gacanta lagu soo dhigay Laptop-kii iyo kabihii uu xaday.