Croatia Oo Kaalinta SADDEXAAD Ee Koobka Adduunka Ku Dhamaysatay Iyo Xiddigihii Afrika Sharafta Usoo Hooyey Oo Laba Guul-darro Isku-xigsiiyey.

0
77

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Xulka qaranka Croatia ayaa ku dhamaystay kaalinta saddexaad ee Koobka Adduunka kadidb markii ay 2-1 ku garaaceen Morocco oo taariikh cusub ka samaysay Koobka Adduunka, isla markaana  sharaf usoo hoysay qaaradda Afrika.

Laba gool oo qaybtii hore ay Croatia u kala dhaliyeen Josko Gvardiol iyo Mislav Orsic ayaa ku hoggaamiyey in ay kaalinta saddexaad kaga dhamaystaan Koobka Adduunka ee ay sannadkii 2018 finalkiisa tageen oo Faransiisku uu ka qaaday Koobka.

Morocco oo bandhig fiican samaysay ayaa waxa qaybta hore gool madi ah u saxeexay Achraf Dar, hase yeeshee waxay iska khasaariyeen fursado badan oo ay ku wiiqi karayeen Croatia oo ay goolka barbarraha xilli horeba ku keeni krayeen.

Croatia

Walid Regragui ayaa eersaday isbeddello badan oo uu ku sameeyey shaxdii looga bartay ee uu ku ciyaarayay kulamadii hore ee Koobka Adduunka, waxaana taas ka faa’iidaystay xulka Croatia oo heshay fursad ay ku maamusho ciyaarta oo ay guushana ku xaqiijisato.
Daqiiqaddii toddobaad ee ciyaarta ayaa uu difaaca dhexe ee Gvardiol hoggaanka u dhiibay Croatia kaddib markii uu madax awood badan ku qabtay kubbad laad xor ahayd oo uu dhinaca bidix kasoo qaaday Ivan Perisic, taas oo goolhaye Bounou aanu helin wax fursad ah oo uu ku joojiyo.

Gvardio1

Goolkaasi masii waarin waxaana laba daqiiqadood kaddib ka daba yimid Achraf Dari oo isaguna madax ku dhamaystiray kubbad uu soo laaday Ziyech oo uu soo difaacay Majer, waxaana uu ciyaarta ka dhigay 1-1.

Gvardiol oo ah ciyaartoyga goolka hore u dhaliyey Croatia ayaa sabab u ahaa in Morocco ay keensato goolka barbarraha, waxaana uu galay qaladka laadka xorta ah loogu dhigay Croatia.

Dari

Dhamaadka ciyaarta oo ay saddex daqiiqadood ka hadhsan yihiin ayay Croatia keensatay goolka barbarraha oo ahaa mid qurux badan oo uu Mislav Orsic ka toogtay bannaanka, isla markaana goolhaye Bounou uu joojin kari waayey.

Qaybta hore ee ciyaarta ayay labada xul si adag ugu dagaallameen, waxaanay ahayd mid aan ka duwanayn kulankoodii wareegga group-yada ee ay barbarraha ku dhamaysteen. Tababare Dalic ayaa  ku faraxsanaa sida xooggan ee ay kooxdiisu daqiiqadihii ugu horreeyeyba ku bilaabatay halka macallinka Morocco oo ay ciyaartoydiisu gaabis ahaayeen intii hore ay samaynayeen weerar rogaal celis halis ahaa.

Mislav Orsic

Croatia ayaa ku dooday in rikoodhe ay xaq u leedahay markii uu Gvardiol kubbad la dhex orday ciyaartoyda Morocco ee uu ula tegay goolhaye Mounou, balse markii uu kubadda laadayay ayaa waxa lugta u dhigay Amrabat oo dhulka ku riday. Garsooraha ayaa ku adkaystay in ay ciyaartu socoto, sidoo kalena VAR ayaa ku raacday go’aankaas.

En-Nesyri ayaa kubbad halis ahayd waxa ka badbaadiyey Gvardiol oo kaddib bahdilaaddii uu ku sameeyey Lionel Messi isasoo canaantay oo bandhig heersare ah ka sameeyey kulankan. Livakovic ayaa ugu tegay oo la badbaadiyey kubbadda En-Nesyri.

Fursad weyn ayay Croatia iska khasaariyeen dhamaadka ciyaarta oo ay saddex daqiiqadood ka hadhsan tahay. Kubbad uu Stanisic u dhiibay Kovacic ayaa waxa uu usii gooyey Amrabat kaddibna laad awood badan ku toogtay goolka, balse waa uu dhinac mariyey.

Croatia thir place

Daqiiqaddii ugu dambaysay waqtiga dheeraadka ah ayuu Attiat-Allah uu dhinaca bidix kasoo jabiyey kubbad uu madax ku qabtay En-Nesyri oo ka dul-kacay Perisc, balse waxay kubaddu waxyar ka dallacantay goolka iyada oo shabaqa  dushiisa kusoo dhacday.

Ciyaarta ayaa ku dhamaatay 2-1 ay guushu ku raacay Croatia oo sidaas ku noqday dalka kaalinta saddexaad kaga dhamaystay Koobka Adduunka, halka Morocco ay kaalinta afraad ku dhamaysatay, waana rikoodh aanay hore u gaadhin qaaradda Afrika.