Paul Pogba & Lucas Hernandez Oo Loo Diiday Inay Daawadaan Finalka Koobka Adduunka

0
120

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wargeyska Faransiiska ee L’Équipe ayaa qoraya saaka in inkastoo madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron uu balanqaaday inuu finalka Koobka Adduunka ee Axada keenayo xiddigaha Faransiiska ee dhaawacan hadana Juventus ayaa diiday in Paul Pogba uu u safro Qatar.

Xiddiga koobka Adduunka ku guuleystay sannadkii 2018-kii ayaa bishii September maray qaliin jilibka ah ka hor inta uusan dhaawac kale ka soo gaarin muruqa bowdada.

Wuxuu xiriir joogta ah la sameynayay xiddigaha xulka France ee Qatar jooga gaar ahaan Antoine Griezmann iyo Kingsley Coman isagoo fariimo dhiirogelin ah u dhigayay baraha bulshada.

Pogba ayaa u sheegay ciyaartoyda xulka France inuu jeclaan lahaa inuu finalka soo xaadiro garoonka laakiin waxaa arintaas diiday Juventus oo aan ogoleyn inay ciyaaryahanka u fasaxdo inuu safro isagoo weli ka soo kabsanaya dhaawac.

Si la mid ah Bayern Munich ayaa iyadana u diiday Lucas Hernandez inuu duulimaad lix saacadood ah ku tago Qatar madaama uu dhawaan qaliin jilibka maray ka dib markii uu ku dhaawacmay kulankii ugu horeysay ee France ee Koobka Adduunka ee ay la ciyaareen Australia.

Daafaca bixi ayaa la sheegay inuu maalin kasta seddex ilaa afar jeer taleefanka ka waco walaalkiis Theo Hernandez, Bayern Munich ayaase sheegtay inay u ogolaan doonto inuu ka qeyb qaato dabaaldega Paris haddii France ay ku guuleysato Koobka Adduunka.

Waxaa iyagaba dabaaldega loo ogolaan doonaa Presnel Kimpembe. N’Golo Kanté iyo Christopher Nkunku kuwaasoo xiriir joogta ah la sameynaya ciyaartoyda xulka France.