Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Maraykanka ayaa sheegay inuu ugu yaboohayo Afrika lacag gaadhaysa illaa $55 bilyan oo dollar, saddexda sano ee soo socota. Tallaabadan ayaa ku soo aadaysa, xilli uu madaxweyne Joe Biden uu isu diyaarinayo shirka Maraykanka iyo Afrika ee uu dalkiisu martigelinayo.
Dalka Maraykanka waxaa soo gaadhay hoggaamiyayaasha ka qaybgelaya shir
madaxeedka aadka u ballaadhan oo dhexmaraya Maraykanka iyo dalalka Afrika,
waxaana shirkan oo furmaya Salaasadan, la filayaa inay ka qaybgalaan wufuud
gaadhaysa illaa 50 oo kala metelaya dalalka Afrika iyo ururka Midawga Afrika.
Inta uu socdo kulanka labada dhinac, ayaa la filayaa inay kaga wadahadlaan, dib u
eegista xidhiidhka labada dhinac, kor u qaadista iyo xoojinta hay’adaha dawliga ah
ee Afrika, muwaadiniintooda iyo weliba nidaamka dawliga ah, iyada oo loo
marayo “in wadahadal laga yeesho, caqabadaha jira ee dhinaca caafimaadka,
dimoqraadiyadda, maamul wanaagga, maalgelinta, horumarinta, isbedelka
cimilada, iyo qodobo kale oo badan.
Shirkan oo furmaya Salaasada ayaa diiradda lagu saarayaa, “sidii loo ballaadhin
lahaa iskaashiga wakhtiga dheer soo socday ee u dhexeeya Maraykanka iyo Afrika,
iyo in la horumariyo danaha ay labada dhinac wadaagaan, iyo kor u qaadida
codadka Afrika si ay si wada jira uga hadli karaan caqabadaha horyaalla xilligan”
ayuuu yidhi sarkaal u hadlay dawladda Maraykanka.