Fariintii Uu Neymar U Diray Xiddiga Xulka Brazil Ka Qasaariyay Rigoorada Ee Rodrygo & Jawaabtii Xiddiga Real Madrid.

0
143

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Neymar ayaa soo bandhigay fariin uu u diray xiddiga reer xulka Brazil Rodrygo iyo jawaabtii uu ka helay xiddiga Real Madrid ka markii Brazil ay ku hartay wareega sideed dhamaadka Koobka Adduunka.

Rodrygo ayaa ka mid ahaa labo ciyaaryahan oo qasaariyay rigooradii looga badiyay Brazil iyadoo xiddiga kale uu ahaa daafaca dhexe ee PSG Marquinhos.

Guuldarada Croatia waxay aheyd lama filaan madaama dad badan ay xulka Brazil u saadaalinayeen hanashada Koobka Adduunka.

Rodrygo ayaa si weyn u ooyay ka dib markii ay ciyaarta dhamaatay, waxaana aamusisiinayay asxaabtiisa xulka Brazil iyo xiddiga ay isku kooxda yihiin ee Luka Modric.

Haatan waxaan aragnay wada sheekeysigii dhexmaray Neymar iyo Rodrygo, iyadoo 30 jirka PSG uu si shaqsi ah niyada ugu dejiyay xiddiga Real Madrid.

Neymar ayaa u qoray Rodrygo: “Waxaan doonayaa inaan iraahdo inaad tahay xiddig… sharaf ayay ii tahay inaan qeyb ka noqdo waayahaaga ciyaareed iyo inaad maqlo adigoo sheegaya inaan ahay xiddig aad ku dayato iyo inaan ku arko adigoo ka mid ah xiddigaha taariikhda Brazil.

“Qaladaad badan ayaan soo sameeyay waayaheyga ciyaareed, dhamaantoodna waxbaan ka soo bartay. Laakiin marnaba isma dhiibin, mar walba waxaan raadinayay inaan ka fiicnaado sidii hore.

“Is adkeey, eedeymaha iyo cadaadisku waxay kaa dhigayaan mid xoogan, waxaad xusuusan doonaa wixii aan ku sheegay… “waxaad koobka u keeni doontaa Brazil.”

“Waxaan ku rajeynayaa guul, naso jir ahaan iyo maskax ahaan, lana soo laabo wax walba. Halkaan ayaa ku joogaa wax kasta oo aad u baahan tahay. Weynu wadajirnaa.”

Marka la eego in Neymar uu yahay xiddig uu ku daydo, shaki kuma jiro in fariintaan ay wax weyn u tareyso da’ yarkaan oo ku faraxsanaa inuu Neymar ka helay fariinta taageerada ah.

“Waad ku mahadsan tahay xiddigii aan ku dayanayow wax walba. Waan kaa raaligelinayaa inaan adigana riyadaada dib u dhigay.

“Mar walba waan mideysanahay, waadna ku mahadsan tahay jaceylkaaga.”