Horudhac: England vs France… (Yaa badin doona kulanka adag ee caawa wareega siddeeda ee Koobka Adduunka?).

0
129

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Kulan adag oo qeyb ka ah wareega siddeed dhamaadka koobka aduunka 2022 ayaa ka dhacaya garoonka Al Bayt Stadium caawa oo Sabti ah, kaddib marka ay is wajahaan xulalka England iyo France.

Xulka Saddexda libaax ayaa 3-0 kaga soo adkaaday dhigooda Senegal, taasoo u suurtagalisay inay si raaxo leh ugu soo baxaan wareega siddeed dhamaadka, halka kooxda difaacanaysa koobka ay 3-1 ku garaacday Poland si ay u sii nooleeyaan rajadooda ku aadan in koobkan ay ku guuleystaan laba jeer oo xiriir ah.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: Koobka Adduunka 2022

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 10:00 Habeenimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka:  Al Bayt Stadium

Garsooraha: Wilton Sampaio (Brazilian)

Wararka Xulalka:-

Weeraryahanka kooxda Chelsea ee Raheem Sterling ayaa dib ugu soo laabtay xerada tababarka xulka qaranka England, kaddib markii uu dib ugu laabtay England, sababa la xiriira in la jabsaday gurigiisa, waxaana la filayaa in tababare Southgate uu ku soo daro shaxdiisa, xilli sidoo kale ciyaaryahanka Arsenal Ben White uu sidoo kale weli u maqan sababo shaqsi ah.

Callum Wilson ayaa ka soo kabtay xanuun yar, laakiin lama filayo inuu ku soo bilowdo, Gareth Southgate ayaa sidoo kale cabsi yar la soo deristay sababa la xiriira xaalada Declan Rice, kaasoo xanuun ku seegay Arbacadii, inkastoo xanuunkiisa uusan u badneyn inuu kahor istaago inuu ciyaaro kulanka caawa.

Dhinaca France, warbaahinta ayaa shaacisay in gooldhaliyaha xulka qaranka France Mbappe uu seegay tababarka Talaadadii sababa la xiriira xanuun dhanka canqowga ah, laakiin wararkaas ayaa ahaa mid been abuur ah, iyadoo 23-sano jirku uu ku soo laabtay garoommada tababarka Arbacadii.

Aurelien Tchouameni iyo Jules Kounde ayaa labaduba seegi doona semi-finalka hadii ay jaale ku qaataan kulanka caawa, laakiin Deschamps uma badna inuu wax ka badeli doono qorsho ciyaareedkiisa ciyaarta caawa.

Shaxda macquulka ah ee labada Xul:-

England XI: Pickford; Walker, Stones, Maguire, Shaw; Bellingham, Rice, Henderson; Saka, Kane, Foden

France XI: Lloris; Kounde, Varane, Upamecano, T. Hernandez; Tchouameni, Rabiot; Dembele, Griezmann, Mbappe; Giroud.