Luis Enrique oo ammaanay ciyaartoyda Morocco kaddib guushii ay ka gaareen Spain.

0
115

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Tababaraha Spain Luis Enrique ayaa ammaanay dhowr ciyaaryahan oo Morocco ah, kaddib markii wiilasha Atlas Lions ay ka badiyeen, dhigooda La Roja kulankii xalay wareega 16-ka Koobka Adduunka 2022 ee Qatar.

Xulka Morocco ayaa iska xaadiriyay wareega siddeed dhammaadka koobka adduunka kaddib markii ay rigoorayaal 3-0 ku garaaceen dhigooda Spain, ciyaar leysku daalay oo ay ku wada ciyaareen garoonka Education City Stadium.

Ciyaarta kaddib Tababaraha Spain ee Luis Enrique ayaa sheegay:

“Sofyan Amrabat, Achraf Hakimi, Youssef En-Nesyri iyo Hakim Ziyech waa ciyaaryahano heer sare ah.”

“Xitaa ciyaaryahanka No. 8 (Azzedine Ounahi) ayaa i cajab galiyay, wuxuu orday ciyaarta oo dhan.”

Yeelkeeda, Morocco ayaa noqotay xulkii ugu horeeyay ee Carbeed ee ku guulaysta in ay u soo gudbaan wareega siddeed dhamaadka koobka aduunka, waxayna kul ciyaari doonaan xulka Portugal oo 6-1 kaga soo adkaatay Switzerland.