Daqliga Shirkadda Apple’s iPhone oo hoos u dhacay.

0
154

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Shirkadda sameysa Apple’s iPhone ayaa sheegtay in daqliga soo gala uu hoos u dhacay in ka badan 11% sanadba sanadka xiga sababtoo ah shibaato dhinaca wax soo saarka oo ku timid wershadda ay ku leeyihiin dalka Shiinaha .

Shirkadda Foxconn ayaa sheegtay in xannibaadda Coronavirus ee la saaray wershaddda oo ku taalla Zhengzhou ay keentay in daqligu hoos u dhaco qiyaastii 30% intii u dhaxaysay bilalaha Oktober iyo November .

Foxconn waxay sheegtay in ay rajeyneyso in shirkadda ugu weyn caalamka ee soo saarta Iphone is ay sis ii waddo wax soo saar buuxa Bishan dhammaadkeeda ama horraanta sanadka dambe.