Dowladda Ukraine oo walwal ka qabta natiijada doorashada xiliga dhexe ee Mareykanka.

0
134

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Dowladda Ukraine, ayaa dusha kala socota doorashada Mareykanka, iyadoo codbixiyayaashu ay haatan codkooda ka dhiibanayaan xarumaha codbixinta ee Maraykanka, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan golaha faaqidista fikradaha ee Atlantic Council, oo fadhigeedu yahay magaalada Washington DC.
Waxa jira "madax badan oo ku kala sugan daafaha adduunka, oo ka wal wal qaba
natiijooyinka doorashada, iyadoo dareenkooddu uu aad u kacsan yahay," Ben
Juda ayaa u sheegay sidaasi BBC-da.
Mid kamid ah hoggaamiyeyaashaasi, ayaa noqon doona Madaxweynaha dalka
Ukraine, Volodymyr Zelensky, ee maamulka Kyiv, ayuu yiri.
Tani ayaa loo sababaynayaa inuu jiro dareen tilmaamaya, in Congress-ka uu
luminayo taageerada uu u hayo dowlada Ukraine.
"Labada dhinac ee garabyada midig iyo bidixda, ee kala aaminsan afkaaraha iska
soo horjeeda, ayaa waxaa jira su'aalo la iska weydiinayo: 'Goorma ayay tani
dhammaanaysaa?', 'Immisa lacag ah ayaan ku bixinaynaa halkaas, oo ah Ukraine?'
Oo waxaa jiri doona dareen ka imanaya maamulka Kyiv, kaasoo ku wajahan
Congress-ka, haddii ay aqlabiyaddiisa la wareegaan xisbiga Jamhuuriga.
Haddii ay taasi dhacdo, ayaa waxaa laga yaabaa taageeradii loo fidinayey
dowladda Ukraine iney ka baxdo meesha, oo la hor joogsado dhaqaalaha uu
Aqalka Cad ku bixiyo dagaalka ka socda dalka Ukraine.
Waxa uu intaa ku daray sargaalka in dowladaha Bariga Dhexe qaarkood, ay ku
farxi doonaan hoggaamiyeyaashoodaa, sida ra’iisal wasaaraha dowladda Israel ee
haatan, Benjamin Netanyahu, iyo dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya,
Mohammed bin Salman, haddii ay xisbiga Jamhuurigu kusoo baxaan kaalinta
koowaad ee Congress-ka.