Khilaaf ka dhashay markab tahriibayaal sidday oo loo diiday inuu galo Talyaaniga.

0
174

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Dowladda cusub ee midigta adag ee Talyaaniga ayaa 35 nin ka hor istaagtay inay ka degaan markab soo badbaadiyay muhaajiriin doonayay in ay ku deggaan deked ka mid ah kuwa Talyaaniga muddo labo toddobaad ah.
Laakiin waxay ogolaatay dowladdu in dadka qaar sida carruurta, haweenka iyo
dadka xanuusanaya ay ku deggaan dekadda Sicily.
Markabkan oo lagu magacaabo "Humanity 1" ayaa ka mid ah maraakiib sidda dad
tahriibayaal ah oo sugaya ogolaanshaha inay ku degaan dhulka Talyaaniga.
Horey ayay ra’iisul wasaaraha Talyaaniga Georgia Meloni u ballan qaaday, intii ay
ku guda jirtay ololaheedii doorashada, inay qaaddi doonto tallaabooyin meesha
ka saaraya muhaajiriinta u socdaalaya Talyaaniga ee ka imaanaya dalalka
Waqooyiga Afrika iyagoo sii maraya badda Mediterranean-ka.
Talyaanigu waa mid ka mid ah meelaha ugu muhiimsan ee ay ka galaan
tahriibayaashu Yurub. Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa lagu
sheegay in 85,000 oo muhaajiriin ah ay doonyo ku gaareen Talyaaniga sanadkan
2022-ka Muhaajiriin badan ayaa doonyo yar yar ku galaya badda Mediterranean-
ka, kadibna waxaa soo badbaadiyay maraakiib inta ay safarka ku jireen.
Mas’uuliyiinta Talyaaniga ayaa oggolaaday in 144 qof laga soo dejiyo markabka
"Humanity 1", oo uu ka babanayo calanka dalka Jarmalka.
Hay’add samafal ee leh markabka ayaa sheegtay in muhaajiriinta go’doonsan ay
aad uga niyad jabeen tallaabooyinka ay qaadday dowladda Talyaaniga.
Petra Kreshuk, oo ka tirsan Hay’adda Save Our Lives Foundation (SOS), ayaa u
sheegtay Wakaaladda Wararka ee AFP in mid ka mid ah Muhaajiriinta uu la
ildaran yahay xanuun dhanka neerfaha ah.
Hay’adda ayaa intaas ku dartay: "Ka-hortagga dadka u baahan gargaarka oo loo
diido inay ka soo degaan markabka waa xad-gudub sharciga caalamiga ah."
Saddex markab oo kale oo siday 900 oo tahriibayaal ah ayaa codsaday inay galaan
dekedda Talyaaniga, balse looma ogola in maraakiibtu ku xirtaan halkaa.