Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Madaxweynaha waddanka Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa sheegay in weerrarada Ruushka uu ku hayo kaabayaasha tamarta ee dalkiisa ay horseedeen in 4.5 milyan oo qof ay ku soo dhacaan koronto la’aan, xilli la galayo waqtiga qaboobaha.
Khudbaddii muuqaalka aheyd ee uu xalay dalkiisa u jeediyay ayuu Mr Zelensky waxa uu ku eedeeyay xukuumadda looga taliyo Aqalka Kremlin-ka inay wado ‘argagixin dhanka tamarta ah’ si ay ugu daboosho guuldarrada ciidammada Ruushka ka soo gaartay jiidda hore ee dagaalka.