Maxaabiis burburineysa qabuuraha burcad waa hore la xabaalay

0
109

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Maxaabiista ku xiran dakja El Salvador, ayaa wada burburinta qabuuraha xubnihii
kamid ahaan jiray burcadda ee geeriyooday, iyagoo ay dowladdu isku dayayso
inay wiiqdo awooddooda.
Maxaabiista oo ku hubaysan biro iyo burusyowaa weyn, ayaa loo diray xabaalaha
Santa Tecla, si ay u burburiyaan qabuuraha magaalada.
Sida loo yaqaan kooxda MS-13, ayaa waxaa lagu tilmaamaa inay tahay mid kamid
ah burcadda ugu naxariista daran adduunka, oo caan ku ah rabshadaha xad ka baxa
ah.
Madaxa xabsiyada dalka, ayaa sheegay in qabuuraha la burburinayo, sababtoo ah
"ma jiro burcad u qalma in aqoonsi loo sameeyo".
Osiris Luna, ayaa intaa ku daray in tani ay tahay "sababta aan u baabi'ineyno
dhammaan raadadka kooxahan. Dalkan, burcaddu meel ugama bannaana."
Burburinta qabuuraha ku yaal agagaarka magaalada caasimadda ah ee San
Salvador iyo Colón ee ku dhow, ayaa la fulinayaa xilli sannad kasta ay qoysasku
booqdaan qabuuraha eheladooda, ee maalinta dhimashada
Maayarka magaalada, ayaa sheegay in maxaabiistu ay burburiyeen ku dhawaad ​​80
xabaalood, sidoo kalena ay ka takhaluseen qoraallada lagu aqoon karo burcadda.
Mid kamid ah dadka ubaxa u qaadaya qabriga qaraabadiisa Arbacadii, ayaa
sheegay in inkasta oo ay ahaan jirtay "caadi in la arko xubnaha burcadda ah ee
gudaha xabaalaha, ha yeeshee wuxuu sheegay in haatan aanay jirin wax la arki
karo".
Sannadkii 2012-kii, dalka El Salvador, ayaa waxay ahayd xiligii ugu badnaa ee
lagu dilo dad adduunka oo idil, wixii xilligaas ka dambeeyayna mas’uuliyiintu
waxay wadeen olole ka dhan ah kooxaha burcadda ah.
Xaalad degdeg ah ayaa la dhaqan geliyay tan iyo bishii Maarso, markaasoo
rabshado burcad ah ay hal maalin ku dhinteen 62 qof.
Tallaabooyinkan, ayaa waxay hoos u dhigeen xuquuqaha dastuuriga ah, sida
xaquuqda isu imaatinka, waxaana ciidamada ammaanka la siiyay awood dheeraad

ah, oo ay ku fulin karaan xarig. Xukunada xubinnimada gaangiska waa la
kordhiyey.
In ka badan 56,000 oo qof, ayaa xabsiga loo taxaabay, kadib markii lagu eedeeyay
inay xiriir la leeyihiin kooxo burcad ah.
Hay’adaha xuquuqul insaanka, ayaa sheegay in tillaabooyinka u ogolaanaya
booliiska inay soo xiraan dadka laga shakisan yahay amar la’aan ay horseedeen
xarig aan loo meel dayin, oo ay ku jiraan kuwa carruur ah.
Balse dowladdu waxay ku doodaysaa inay dalka ka dhigeen mid ammaan ah.
Ugu yaraan 80 qof ayaa ku dhintay xabsiga, tan iyo markii ay bilaabatay xaaladda
degdegga ah.