Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay gaaray magaalada Khartuum ee dalka Suudaan si uu ugu sii gudbo dalka Aljeeriya.
Madaxweynaha ayaa Magaalada Khartuum kula kulmay Wasiirka Gaashaandhigga dalka Suudaan Sarreeye Guud Yaasiin Ibraahim Yaasiin, iyaga oo ka wada hadlay iskaashiga la xiriira dhanka amniga.