Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Real Madrid ayaa garoonkeeda Santiago Bernabeu waxay ku qaabbilaysaa Girona kulan muhiim ah oo ay Los Blancos u baahan tahay inay dib ugu soo laabato hoggaanka horyaalka La Liga oo Barcelona ay xalay si ku-meelgaadh ah ula sii wareegtay.
Carlo Ancelotti oo dib u helay xiddigaha muhiimka ah ee dhaawacyada kaga maqnaa kulankii Champions League ee RB Leipzig, ayaa waxa uu kusoo bilaabay shax xooggan, hase yeeshee waxa wali ka maqan Karim Benzema oo aan kasoo kabanin dhaawac uu labadii ciyaarood ee ugu dambeeyey ku seegay.
Shaxda adag ee uu Ancelotti kusoo galay, waxa afka hore kusoo laabtay Fede Valverde oo garabka midig ka ciyaaraya, halka Rodrygo Goes uu yahay weeraryahanka dhexe ee dhinaca bidixna uu kasii xigo Vinicius Junior.
Luka Modric ayaa khadka dhexe kala ciyaaraya Toni Kroos iyo Edouard Camavinga oo beddelay Aurelien Tchouameni oo kaydka la geliyey si uu ugu sii nasto ciyaarta adag ee Celtic ee toddobaadkan.
Antonio Rudiger iyo David Alaba ayaa difaaca dhexe ka wada ciyaaraya, waxaana kaydka loo diray Eder Militao, halka Mendy iyo Carvajal ay labada difaac ee dhinacyada ka ciyaarayaan.
Shaxaha rasmiga ah ee labada kooxood
Real Madrid XI: Courtois; Carvajal, Rudiger, Alaba, Mendy; Camavinga, Kroos, Modric; Fede Valverde, Rodrygo, Vinicius.
Girona XI: Gazzaniga, Couto, Bueno, Lopez, Hernandez, Herrera, Romeu, Garcia, Villa, Vallejo, Castellanos.