Dhoobley(Idaacadda Sanguuni) Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Abshir Cunmar Jaamac Huruse iyo wafti uu hoggaaminayey ayaa gaaray dalka Algeria.
Wasiirka iyo wafdigiisa, ayaa ka qeyb gali doona shir-waynaha Ururka Jaamacadda Carabta oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay aan u qabsoomin xaaladda caabuqa COVID-19 darteed.