Man United Oo Guul Weyn Ka Gaadhay Sheriff & Ronaldo Oo Gool Lasoo Laabtay

0
180

Dhobleey(Idaacadda Sanguuni)-Manchester United ayaa guul weyn ka gaadhay kooxda Sheriff Tiraspol oo marti ugu ahayd Old Trafford kulan ay 3-0 kaga talaabsadeen.

Kooxda macalin Erik Ten Hag ayaa wali eryanaysa Real Sociedad oo oo la celin la’yahay caawana ka adkaatay Omonia Nicosia.

Red Devils ayaa saddexda gool ee ay ku adkaadeen ka helay Diogo Dalot oo qaybtii hore dhaliyay, Marcus Rashford oo bedel ku yimid iyo Cristiano Ronaldo.

Kaddib fursado fiican oo ay xidhiidh u samaynaysay, Man United ayaa hoggaanka qabatay daqiiqadii 43-aad ee kulanka iyadoo kubad gees ka tuur ahayd oo uu Christian Eriksen soo qaaday uu madax ku dhammaystiray Dalot.

Goolka labaad ee Man United ayaa soo dhacay daqiiqadii 65-aad ee ciyaarta, kubad si fiican looga soo shaqeeyay ayuu garabka bidix ka qaaday Luke Shaw oo bedel ku yimid waxaana madax ku dhammaystiray Rashford oo qudhiisu bedel ahaa.

Goolka Cristiano ayaa yimid daqiiqadii 80-aad ee ciyaarta, kubad joog sarre ahayd oo uu Bruno kasoo qaaday garabka midig ayuu madaxeeyay CR7 balse goolhayaha Sheriff ayaa badbaadiyay, Ronaldo ayaa awooday inuu kubadda soo booday ku celiyo goolka.