Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Manchester City ayaa booqanaysa dhigeeda Borussia Dortmund kulan xiiso leh oo ay labada dhinac ku tartamayaan booska ugu sarreeya ee Group G.
Man City ayaa booska koowaad ku bixi doonta xataa haddii ay barbardhac soo gasho halka Dortmund u baahantahay guul si ay ula wareegto booskaas.
Daafaca dhexe ee Nico Schlotterbeck ayaa dhaawac uga baxay kulankoodii horyaalka ee toddobaadkan, lama oga heerka dhaawaciisa balse waxay u badantahay inaan halis la gelin doonin ciyaartan.
Dortmund ayay dhaawacyo kala duwan kaga maqan yihiin xiddigaha kala ah Thomas Meunier, Sebastian Haller, Jamie Bynoegittens, Mahmoud Dahoud iyo Mateu Morey.
Dhinaca Sky Blues Pep Guardiola ayaa wali dhaawacyo ku tabaya xiddigaha English-ka ah ee Kyle Walker iyo Kalvin Phillips halka Sergio Gomez oo kulankii ugu dambeeyay casaan qaatay uusan u safrayn Germany.
Nathan Ake ayaa booska daafaca midig ugu soo bilaaban Doona City halka Jack Grealish keydka u laaban karo iyadoo Phil Foden kusoo laabanayo xulashada.
Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Kooxood
Borussia Dortmund (4-2-3-1): Kobel; Wolf, Hummels, Sule, Guerreiro; Bellingham, Can; Adeyemi, Brandt, Reyna; Moukoko
Man City (4-3-3): Ederson; Cancelo, Dias, Laporte, Ake; De Bruyne, Rodri, Silva; Mahrez, Haaland, Foden