Mudada Uu Raphael Varane Garoomada Ka Maqnaanayo oo la shaaciyay

0
192

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda Manchester United iyo xulka qaranka France ayaa war ka helay xaalada dhaawacii uu habeen hore garoonka uga baxay daafaca dhexe ee Raphael Varane.

Varane oo muruq dhaawac ka gaadhay kulankii ay Manchester barbardhaca lasoo gashay Chelsea ayaa la arkayay isaga oo ilintu ka da’ayso sababtoo ah cabsi uu ka qabay inuu seego koobka aduunka ee bisha dambe ka qabsoomaya Qatar.

Si kastaba, warka wanaagsan ayaa ah in dhaawaciisu uusan u halis badnayn sidii markii hore la filayay inuu u xumaado.Varane ayaa xilli ciyaareedka oo dhan muhiim ka ahaa shaxda tababare Erik Ten Hag isaga oo 11 kulan kasoo muuqday Red Devils.

Si kastaba, sida uu sheegayo saxafiga L’Equipe ka hawlgala ee Loic Tanzi, Varane ayaa lagu wadaa inuu mudo saddex toddobaad ah garoomada ka maqnaado taas oo ka dhigan in rajadiisa koobka aduunku nooshahay.