Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-TikTok waxay sare u qaadaysaa da’da ugu yar ee dadka isticmaali kara Live-ka. Da’daas oo markii hore ahayd 16 jir iyo wixii ka wayn, iyadoo hadda ka dhigtay 18 jir.
Baaritaan la sameeyay ayaa lagu ogaaday in boqollaal akoonno ah oo si toos ah uga imaanayay xeryaha qaxootiga ee Suuriya, Kuwaas oo taakuleyn deeq ah loogu raadiyay muuqaallo toos ah oo lagu baahiyo TikTok islamarkana shirkadda ay qaadato 70% dhaqaalaha ka soo xarooda Live-ka.
Mustaqbalka, dadka waaweyn oo keliya ayaa awood u yeelanaya inay “diraan haddiyadaha,” ayay tiri TikTok.
Waxay intaas ku dartay in “toddobaadyada soo socda”, ay u oggolaan doonto macaamiisha inay sii wadaan Live-ka dadka waaweyn oo kaliya.