Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Dalka New Zealand ayaa soo bandhigay hindise-sharciyeed dhigaya in canshuur lagu soo rogo saalada iyo kaadida lo’da, lo’ gisida iyo xoolaha kale ee la dhaqdo si looga hortaggo saameynta ka dhalata isbaddalada cilimada.
Dowladda ayaa ka dalbaneysa beeraleyda New Zealand in ay bixiyaan canshuur gaar ah maadama howshooda beer-falidda iyo dhaqashada xoolaha ay qeyb ka qaadato in qiiqa Carbon ay hawada sare ku sii daayaan.
Haddii la higeliyo sharcigan, New Zealand ayaa noqonaya dalkii ugu horreeyay ee qaada canshuur noocan ah.
Kala bar qiiqa Carbon-ka ee New Zealand waxaa ku lug leh tabaca beeraha iyo xoolaha.
Beeraleyda dalkaas ayaa dhaleeceeyay qorshaha oo ay ku tilmaameen mid ka dhan ah danaha beeraleyda soo koreysa.
Ra’iisul Wasaare Jacinda Ardern ayaa sheegtay in canshuurta laga qaadi doono saalada xoolaha loo weecin doono waaxda beeraha si loo dhaqangeliyo qalab casri ah ama cilmi baaris ku aaddan tayeynta beeraha dalkaas.