In ka badan 360 tahriibayaal ah oo la badbaadiyey.

0
141

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-In ka badan 360 tahriibayaal ah ayaa la badbaadiyey xilli ay isku dayayeen inay ka baxaan xeebaha woqooyi ee dalka Faransiiska iyaga oo u sii jeeday xeebaha koonfureed ee dalka Ingiriiska.

Masuuliyiinta dalka Faransiiska ayaa sheegay in tahriibayaashan la soo badbaadiyey ay ku safrayeen doomo yaryar.

Ciidamada ilaalada xeebaha ee dalka Faransiiska ayaa sameeyey hawlgallo kala duwan si ay u badbaadiyaan muhaajiriin ku dhibaataysnaa marin biyoodka u dhexeeya Faransiiska iyo Ingiriiska, sida laga soo xigtay masuuliyiinta ilaalada xeebaha ee Faransiiska.

Guud ahaan illaa 367 qof ayaa la geeyey dekedaha dalka Faransiiska.

Tan iyo bilawgii sannadkan, waxaa marin biyoodka u dhexeeya Faransiiska iyo Britain ka gudbay illaa 33,500 oo qof, kuwaas oo isticmaalay doomo yaryar.