Dowladda Soomaaliya oo Norway kala hadashay waxka qabashada Abaarta

0
179

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Gurmadka Abaaraha Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo booqasho ku tegay aqalka Golaha Shacabka Norwey ayaa waxaa halkaas kusoo dhaweeyay xildhibaan Maryan Xuseen oo ah xildhibaankii ugu horreeyay ee katirsan ahaan Soomaali ah.

Ergeyga ayaa halkaasi kula kulmay guddoomiyaha golaha shacabka, xildhibaanno ka kala socday xisbiyada kala geddisay iyo Ismaaciil Xusseen oo ah siyaasi ka mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed ee  magaalada Oslo.

kulanka oo sidoo kale ay warbaahintu maxalliga ahi qeyb ka aheyd ayuu Ergeygu kaga warbixiyay xaaladda Abaarta ee Soomaaliya iyo sida ay lama huraan u tahay in xubnahaani gacan ka geystaan u qaareemidda arrimaha Soomaaliya iyo garab qabashadeeda.

Xildhibaannada oo wadahadal dheer la yeeshay Ergeyga ayaa si dareen le huga hadlay arrinka Soomaaliya iyada oo gaar ahaanna Xildhibaan Maryan ay muujisay sida Iyada iyo Xisbigeeduba ay horay iyo haddaba ugu dedaalayaan gacan siinta Dowladda iyo Shacabka Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa bilihii la soo dhaafay waxaa ay waday dadaalo ku aadan sidii dadka Soomaaliyeed looga samatabixin lahaa abaarta kajirta Soomaaliya, iyada oo kala hadleysay Beesha Caalamka.