Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Macallinka Kooxda kubadda cagta Manchester City ee Pep Guardiola ayaa shaaca ka qaaday inuu jiro shaki ku aaddan taam ahaashaha Weeraryahankiisa Erling Haaland kulanka ay la leeyihiin Liverpool ee horyaalka Premier League.
Xiddiga xulka qaranka Norway ayaa kursiga keydka ku dhammaystay kulankii kooxdiisa Man city ay barbaraha goolal la’aanta ah xalay la gashay naadiga Copenhagen ee ka tirsanaa UEFA Champions League.
Tababare Guardiola ayaa sheegay in Haaland uusan ku jirin xaalad fiican tan iyo kulankii ay la ciyaareen Kooxda Southampton ee horyaalka Premier League.
“Waa uu dhammaystay kulankii Southampton waxa uu ahaa mid aad u daallan kaddib kulankaas, xitaa kama uusan soo kaban daalkaas saddexdii maalin ee ugu dambeysay,” ayuu yiri Pep Guardiola.
Waxa uu hadalkiisa intaa ku daray tababaraha Man City: “Waan arki doonnaa waxa dhaca maalmaha soo aaddan, waxaa filayaa inuu taam u noqon doono kulanka Liverpool, balse ma hubo.”
Haaland ayaa dhaliyey 15 gool sagaalkiisii kulan ee uu ciyaaray xilli ciyaareedkan.