Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Arsenal ayaa garoonkeeda Emirates guul kaga gaartay kooxda Liverpool, kaddib markii ay kaga adkaatay 3-2, kulan qeyb ahaa horyaalka Premier League ee dalka England.
Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 2-1 ay ku hoggaamineysay kooxda Arsenal.
Daqiiqadii 1-aad Arsnal ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay Martinelli, kaddib markii uu ka caawiyay saaxiibkiis Odegaard.
34 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Liverpool ayaa dhalisay goolka barbardhaca kaddib markii uu 1-1 ka dhigay Darwin Núñez oo ay caawin kaga timid Luis Díaz.
Laakiin daqiiqadii 45 + 5-aad Arsenal ayaa markale hoggaanka u qabatay dheesha kaddib markii uu 2-1 ka dhigay Bukayo Saka, waxaana ka caawiyay Martinelli.
Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.
Markale Liverpool ayaa dhalisay goolka barbardhaca daqiiqadii 53-aad iyada oo 2-2 uu ka dhigay Firmino oo ay caawin kaga timid saaxiibkiis Diogo Jota.
73 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay Arsenal ayaa loo dhigay rigoore waxaana gool u badelay Bukayo Saka, dheesha ayaa waxay sidaas ku noqotay 3-2 ay ku hoggaamineysay Gunners.
Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 3-2 ay kaga adkaatay Arsenal, kooxda Liverpool oo ku soo booqatay garoonka Emirates, Gunners ayaa kaddib guushan ay gaartay waxay dib ula wareegtay hoggaanka horyaalka Premier League, waxayna leedahay 24 dhibcood, hal dhibac ayaa waxay ka sareysaa Man City oo kaalinta labaad u soo dhacday.