Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)- kooxda Real Madrid ee Carlo Ancelotti ayaa xaqiijiyay in xiddiga reer Brazil ee Éder Militão uu ka cabanayay dhaawac dhanka muruqa ah, kahor inta uusan wajihiin kulanka El Clasico oo ay la ciyaarayaan Barcelona.
Real Madrid ayaa dib ugu soo laabatay hoggaanka La Liga kaddib markii guul dirqi ah ka soo heshay kooxda Getafe, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 0-1.
Carlo Ancelotti ayaa kaddib ciyaarta wuxuu soo saaray war saxaafadeed, wuxuuna kaga hadlay dhaawaca Éder Militão, wuxuuna yiri:
“Militao waxa uu ka cabanayaa muruq xanuun, wax halis ah ma jiraan, laakiin ma aqaano cidda difaaci doonta ama kooxda kahor imanaysa Barcelona, xitaa kulanka Shakhtar, weli waxa jira wakhti lagu dooran karo cida badeli doonta.”
“Waxaan ku dooran doonaa shaxda waxyaabaha aan doonayo in aan ku tiirsanaado, ciyaaryahan kasta oo ka qayb qaadan doonana waxa uu qaban doonaa shaqo fiican, hadii aanu nahay Real Madrid waxa aanu haysanaa koox shaqo fiican qabta, waxaan nahay koox isku xiran” ayuu yiri tababare Carlo Ancelotti.