Imran Khan waxaa ka go’an in uu xoog ku qabsado caasimadda Pakistan’

0
169

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasiirka arrimaha gudaha Pakistan Rana Sanaullah ayaa sheegay in hogaamiyaha xisbiga Tehreek-e-Insaf ee Pakistan, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Imran Khan uu qorsheynayo in uu qabsado caasimadda Islamabad 12-ka ilaa 17-ka October uuna qas ka sameeyo magaaladan.

Waxaa uu u sheegay TV-ga Geo News TV ee Pakistan in dowladdu ay sameyn doonto dadaal kasta oo suurtagal ah si loo fashiliyo qorshaha Imran Khan iyadoo taageero ka heleysa shacabka.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Pakistan ayaa intaa ku daray in sharcigu dadka siinaya in ay si nabad ah ku mudaaharaadaan, balse maxkamadda ayaa sheegtay in aan cidna loo ogolaan doonin in ay shirar siyaasadeed ku qabato aagga cas ee caasimadda.