Real Madrid oo dib ugu soo laabatay hoggaanka La Liga kaddib markii guul dirqi ah ka soo heshay Getafe

0
165

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Real Madrid ayaa dib ugu soo laabatay hoggaanka La Liga kaddib markii guul dirqi ah ka soo heshay kooxda Getafe, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 0-1.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-1 ay ku hoggaamineysay kooxda martida ahayd ee Real Madrid.

Daqiiqadii 3-aad durba Real Madrid ayaa durba hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay daafacooda reer Brazil ee Éder Militão, kaddib markii uu ka caawiyay Luka Modrić.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo idlaatay 0-1 ay kaga soo adkaatay Real Madrid kooxda Getafe oo ay booqatay, kaddib guushan Los Blancos ayaa dib ula wareegtay hoggaanka horyaalka Spain, waxayna leedahay 22 dhibcood.