Thailand: Gabadha keliya ee ka badbaaday weerarkii lagu xasuuqay carruurta xannaanada

0
155

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Markii uu dhacayay weerarkii uu ninka hubaysan ku qaaday iskuul xannaano oo ku yaalla waqooyiga Thailand, Emmy ayaa garab jiiftay carruur ay saaxiibo yihiin.

Fasalkooda ayaa ka koobnaa 11 canug oo dhammaantood saddex jir ahaa, waxaana inyar ka hor weerarka ay dhameeyeen sawirro iyo qoraal loo diray.

Muddo yar kadib, carruurta oo ku jira nasasho ayaa waxaa iskuulka weeraray Panya Kamrab oo ahaa askari horay booliska uga tirsanaa. Goob joogayaal ayaa sheegay in marka hore uu toogtay shaqaalaha iskuulka oo ay kamid tahay macallimad lahayd uur sideed bilood ah.

Kadib waxa uu u gudbay qolalka ardayda xannaanada, waxaana uu halkaa ku laayay dhammaantood marka laga reebo Emmy.

Lama oga qaabka ay ku badbaaday gabadhan saddex jirka ah oo laga dhex helay meydadka carruurta.

“Marka ay soo toostay, ma aysan ogeyn waxa dhacay,” ayuu yiri awowgeed Somsak Srithong oo 59 jir ah.

“Waxa ay u haysatay in carruurta ay saaxiibada ahaayeen ay weli hurdo ku jireen, kadibna askari boolis ah ayaa indhaha u qariyay oo ka soo dhex saaray dhiigga.”

Kooxaha gurmadka ayaa Emmy geeyay dabaqa labaad ee dhismaha, kadibna waxa ay meydadka ka dhex baareen inuu jiro canug kale oo badbaaday.

Waxa ay noqotay ilmaha keliya ee ka badbaaday xasuuqii Nong Bua Lamphu ka dhacay Khamiistii. 37 qof oo ay kamid yihiin xaaska iyo wiil uu adeer u yahay ninka weerarka fuliyay ayaa dhintay. 24 kamid ah dadkaas waxa ay ahaayeen carruur.

Panompai oo dhashay Emmy ayaa u shaqa tagta caasimadda Bangkok. Marka uu weerarka dhacay waxaa lagu wargeliyay in dhammaan carruurta ku jiray xannaanada la laayay.

“Markii muuqaal ahaan la ii tusay Emmy oo nool, waxaa i qaaday farxad xad dhaaf ah,” ayay tiri.

Dadka ku nool magaaladan yar ayaa aad uga argagaxay waxa dhacay. Qoyska Emmy ayay maalmo ku qaadatay inay u sharraxaan waxa dhacay.

Weli waxa ay weydiinaysaa waxa ku dhacay saaxiibkeed khaaska ah Pattarawut oo isaguna saddex jir ahaa.

 

“Ayeydeed ayaa markii dambe u sheegtay in dhammaan saaxiibadeed iyo maacalinkeeda ay ku dhinteen iskuulka, sidaasna lagu xiray goobta,” ayay tiri hooyadeed.

“Maalin kasta waxa ay rabtaa inay iskuulka aaddo, inaguna waxaan u sheegnaa in aanu jirin oo la xiray iskuulka. Way yartahay oo ma fahmi karto dhimashada.”

Lama oga sababta uu ninkaas mar booliska ka tirsanaa u laayay dadka, hase yeeshee waxaa soo baxday in Kamrab laga eryay shaqada bishii June, kadib markii lagu helay inuu daroogo isticmaalo.