Chelsea oo isku diyaarinaysa inay ka saarto Ronaldo xaallada adag uu kaga sugan yahay Man United

0
202

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Chelsea ayaa si dhab ah uga fiirsaneysa inay la soo wareegto weeraryahanka Manchester United ee Cristiano Ronaldo inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga jiilaalka ee soo socda, sida laga soo xigtay wargeyska Daily Express ee dalka England.

Ronaldo ayaa si aad ah isugu dayay inuu ka tago Manchester United xagaagii lasoo dhaafay, sababtoo ah wuxuu doonayay inuu ka qeyb galo Champions League, laakiin dhammaan kooxaha waa weyn ayaa diiday inay la saxiixdaan sababtoo ah mushaarkiisa oo aad u sareeya, oo aan u dhigmin da’diisa.

Maamulka cusub ee Chelsea ayaa ahaa kuwa ugu dhaga nugul fikradda ah in lala saxiixdo Ronaldo, sidaas darteed milkiilaha Todd Boehly ayaa muran la galay Thomas Tuchel, sababa la xiriira in macalinkii hore ee Blues uu gabi ahaanba diiday heshiiska, maadaama uusan ku qanacsanayn heshiiska xiddiga reer Portugal.

Wargayska ayaa warbixintiisa ku tilmaamay in kaddib markii shaqada laga caydhiyay Thomas Tuchel iyo imaatinka Graham Potter ay maamulka dib ugu soo laabteen xiisaha qandaraaska Cristiano Ronaldo kaas oo xilli ciyaareedkan ku nool waqtiyo adag oo uu ku qaadanayo Manchester United, sababtuna waa in uu si joogta ah kaga soo muuqday kursiga keydga kulammada horyaalka Premier League.

Warka wuxuu intaas ku darayaa in tababaraha cusub ee Graham Potter aanu wax dhib ah ku qabin qorshaha ay kooxda Chelsea kula soo saxiixaneyso Cristiano Ronaldo suuqa jiilaalka ee soo socda, taas oo ka dhigi doonta inuu tartan adag dhex maro Cristiano iyo weeraryahanka reer Gabon ee Aubameyang si ay ugu guulaystaan midba midka kale inuu noqdo xulashada koowaad.