Chelsea oo diyaarinaysa qorshe kale oo ay kula saxiixaneyso Nkunku

0
168

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Chelsea ayaa diyaarinaysa qorshe kale oo ay kula soo saxiixan karto xiddiga reer France iyo kooxda RB Leipzig ee Christopher Nkunku inta lagu jiro xilli ciyaareedkan.

Wargeysyo dhowr oo Jarmal iyo Ingiriis ah ayaa maalmihii lasoo dhaafay sheegayay in Nkunku uu horay baaritaan caafimaad ugu maray Chelsea toddobaadyo kahor, lamana shaacin heshiiska sababtoo ah Blues wali kuma heshiinin Leipzig qiimaha ciyaaryahanka.

Fabrizio Romano, oo ah khabiir ku takhasusay aarrimaha suuqa kala iibsiga ciyaartoyda iyo tababarayaasha Yurub, ayaa bartiisa rasmiga ah ee Twitter-ka wuxuu ku soo qoray:

“Qorshaha aasaasiga ah ee Chelsea ayaa noqon doona in ay kala xaajooto Leipzig shuruudaha heshiiska.”

“Haddii ay labada kooxood ku heshiin waayaan qiimaha uu Nkunko ugu wareegayo Blues, kooxda ka dhisan London waxay sarre ugu qaadi doontaa lacagta lagu burburin karo qandaraaska xiddiga reer France, kaasoo gaaraya 60 million euros.”

Fabrizio Romano ayaa wuxuu hadalkiisa ku soo xiray: “Nkunko waxa uu heshiis shaqsi ah la galay Cheelea, ciyaartoyguna waxa uu diyaar u yahay inuu saxeexo, laakiin waxa uu sugayaa heshiis dhexmara kooxaha.