Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Liverpool ayaa diyaar u ah inay lacag qaali ah ku bixiso xiddiga Flamengo ee Joao Gomes si ay u adkeyso khadkeeda dhexe xagaaga soo socda.
Ciyaaryahanka reer Brazil ayaa waxaa xiiseynaya kooxo badan oo Yurub ah ka dib markii uu wacdaro ka dhigay kooxda ka dhisan Rio de Janeiro.
Reds ayaa qarka u saaran inay ku garaacdo Real Madrid saxiixiisa, madaama Los Blancos aysan baahi weyn u qabin xiddig kale oo khadka dhexe ah.
Sida laga soo xigtay majaladda Sport, Liverpool ayaa diyaar u ah inay ku qarashgareyso ku dhawaad 53 milyan ginni 21 jirkaan, kaasoo mar sheegay inuu “rabitaan weyn” u qabo kooxda Jurgen Klopp. Waa lacag la mid ah lacagtii ay sannadkii 2018 ka soo bixiyeen Naby Keita.
Reds ayaa qarka u saaran inay lumiso Alex Oxlade-Chamberlain, Keita iyo James Milner xagaaga soo aadan maadaama qandaraaskooda uu ka harsan yahay kaliya sagaal bilood.
Jordan Henderson iyo Thiago ayaa labaduba ku sii dhawaanaya gabagabada xirfadooda ciyaaryahanimo, halka Harvey Elliott iyo Fabio Carvalho ay labaduba yihiin da ‘yar aan khibrad lahayn.
Gomes ayaa ah burburiye khadka dhexe, waxaana lala barbardhigay Fabinho – laakiin labadooda qaab ayaa wax yar kala duwan. Inkasta oo uu ka ciyaaro booska burburiyaha khadka dhexe hadana ma ahan xiddig dheer, balse wuxuu ku caan baxay inuu xirfadiisa uga baxo meelaha ciriiriga ah.
“Maalmahan, waxaan xadayaa kubbado ka badan inta aan dhigayo, laakiin weli waan ogahay sida loo dhigo. Waan garanayaa sida loo sameeyo baas fure ah oo aan caawimo kuu helo.” Gomes ayaa sidaas u sheegay shabakada Flamengo
Xitaa waxa uu ka ciyaaray booska daafaca dhexe markii ay kooxda Flamengo ku jirtay dhibaato dhaawac.