Araujo Mise Kounde? Daafaca Barcelona Ee Diyaar U Noqon Doona Kulanka Clasico Oo La Ogaaday.

0
176

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Barcelona ayaa warar dhiilo leh ka heshay fasaxa kulamada caalamiga ah iyadoo halkaas ay kaga dhaawacmeen xiddigo badan oo muhiim ka ah shaxda tababare Xavi Hernandez.

Xiddigahaas ayay kamid yihiin labada daafac dhexe ee asaasiga u ah Barca ee Jules Kounde iyo Ronald Araujo oo dhaawacyo uga baxay kulamo ay France iyo Uruguay kala metelayeen.

Si kastaba, wargeyska Diario AS ayuu haatan kasoo yeedhayaa war u wanaagsan dhagaha jamaahiirta Barcelona oo sheegaya in Kounde uu fursad u haysto inuu diyaar u noqdo kulanka Clasico ee ay Real Madrid booqanayaan 16-ka bisha dambe ee October.

AS ayaa sheegaya in Kounde uu kusoo laabtay Barcelona oo uu baadhitaano ku maray, baadhitaanka ayaa sheegaya inuu saddex toddobaad ugu badnaan maqnaan karo taas oo fursad u siinaysa Clasico.

Warkan ayaa farxad u ah tababare Xavi Hernandez oo diyaar u ah inuu xilli ciyaareedkan horyaalka La Liga fool-ka-fool ugula tartamo Real Madrid oo haatan laba dhibcood hoggaanka uga haysa.

Barca ayaa soo guuleysatay shan kamida lix kulan oo ay ka ciyaartay La Liga iyagoo kaliya hal gool qaabilay mudadaas taas oo muujinaysa sida ay tartamayaal dhab ah u yihiin.

Xavi ayaa Kounde u adeegsanayay booska daafaca midig balse la filayaa inuu daafaca dhexe u adeegsado kulanka Clasico haddii uu soo gaadho maadaama ay u badantahay in Araujo kulankaas seegayo.

Kounde talks Pique, Xavi, Chelsea, Araujo, Eric ahead of Barcelona vs  Viktoria Plzen | Barca Universal