Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Warbaahinta dowladda Suuriya ayaa Sabtida shalay sheegtay in la helay meydadka 89 qof oo muhaajiriin oo ka yimid dalka Lubnaan ah kuwaasi oo doontii ay saarnaayeen ay ku degtay xeebaha dalka Suuriya.
Ciidamada Lubnaan ayaa sheegay in ay qabteen nin looga shakisan yahay in uu yahay muqallaskii doontan oo noqoneysa tii ugu dhimasho badneyd ee dhowaanahan ku degta bariga badda Mediterranean-ka.
Madaxa Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga (UNHCR) Filippo Grandi ayaa dhacdadan ku tilmaamay “masiibo qalbi jab ah”.
Ugu yaraan 14 qof oo la soo badbaadiyay islamarkaana lagu daweynayo isbitaal ku yaalla Suuriya ayay xaaladdoodu ka soo reyneysaa, iyadoo lix kalena ay bogsadeen, waxaana socda dadaal lagu baadigoobayo dhowr qof oo weli la la’yahay tan iyo Khamiistii oo ay doontu degtay.