Barcelona oo go’aamisay badalka Sergio Busquets ee xilli ciyaareedka soo socda.

0
201

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wargeyska Marca ee dalka Spain ayaa xaqiijiyay in Barcelona ay bilowday raadinta magacyada musharaxiinta u sharaxan badalka Sergio Busquets laga bilaabo xilli ciyaareedka soo socda.

Sergio Busquets ayaa bixi doona dhamaadka xiliciyaareedkan, waxaana loo badinayaa inuu u dhaqaaqi doono horyaalka dalka Mareykanka.

Barcelona ayaa raadineysa magacyo kala duwan oo ay ku buuxiso booska Busquets, waxaana la rumeysan yahay in labada ciyaaryahan ee ugu cadcad waqtigaan ay yihiin Martín Zubimendi, iyo sidoo kale Rúben Neves.

Martín Zubimendi ayaa si fiican uga soo muuqday kooxda Real Sociedad iyo waliba xulka qaranka Spain, laakiin ku biiristiisa kooxda Barcelona ma noqon doonto mid sahlan, maadaama heshiiskiisa lagu burburin karo 60 million euros.

Barcelona ayaa aaminsan in Zubimendi uu awood u leeyahay inuu horumar ka sameeyo xirfadiisa ciyaareed sanadaha soo socda, waxaana la rumeysan yahay in qiimihiisa suuqa uusan dhaafin 40 million euros, laakiin waa la arki doonaa haddii Real Sociedad ay diyaar u tahay inay wadahadal la gasho.

Magaca labaad waa Rúben Neves kaasoo in muddo ah ku jiray bar-tilmaameedyada Barcelona, ​​waxaana qiimaha ciyaaryahanka khadka dhexe ee Wolverhampton lagu qiiyaasaa 40 million euros.