Ten Hag Oo Durba Qorsheeyay Booska Uu Man United Kasoo Xoojinayo January & Xiddiga Uu U Doortay.

0
178

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Tababaraha kooxda Manchester United ee Erik Ten Hag ayaa u muuqda mid garanaya waxa uu doonayo oo sii qorshaynaya meelaha uu kasoo xoojin karo kooxdiisa suuqa qaboobaha ee bisha January.

Booska uu Erik xoojintiisa calaamadsaday ayaa ah midka No.9-ka wuxuuna u doortay da’yarka weeraryahanka kooxda Benfica ee Goncalo Ramos oo ah 21 sano jir kasoo baxay kuliyada da’yarta kooxdaas isla markaana kulankiisii koowaad u ciyaaray July 2020.

Bandhigyadiisa ayuu wanaajiyay xilli ciyaareedkii hore isaga oo 46 kulanoo tartamada oo dhan ah ugu soo dhaliyay 8 gool afar kalena soo caawiyay.

Kaddib bixitaankii Darwin Nunez ee suuqii xagaaga, 21 sano jirkaas oo xilli ciyaareedkan weeraryahanka koowaad u ah kooxdiisa ayaa durba rekoodhkiisii goolasha ee doorkii hore ee 8da ahaa ku barbareeyay 12 kulan.

Sida uu haatan sheegayo wargeyska The Sun, Manchester ayaa wakiilada Ramos la xidhiidhay dhawaanahan kaddib bandhigyadiisa wanaagsan, marka laga yimaado in heshiiskiisa 100 Milyan oo pound lagu jabin karo haddana Red Devils ayaa rajaynaya inay 25 Milyan oo pound ku dalbadaan.

Goncalo oo xagaagii sidoo kale lala xidhiidhinayay Newcastle United iyo Paris Saint-Germain ayay warbixinta The Sun sheegaysaa in sidoo kale Bayern Munich isha la raacayso.

United ayaa aad ugu baahan weeraryahan dhexe kaddib shakiga xaalada taam ahaansho ee Cristiano Ronaldo iyo dhaawaca xilli ciyaareedkan oo dhan uu ku maqnaa Anthony Martial.

Red Devils ayaa xagaagii lala xidhiidhiyay weeraryahano ay kamid yihiin Cody Gakpo, Marko Arnautovic, Sasa Kalajdzic iyo Moussa Dembele balse midkoodna ma qabsoomin.

PSG interested in talented Benfica striker Goncalo Ramos