Wasiirka Wasaardda Beeraha iyo Waraabka XFS oo kulan la qaatay safiirka Soomaaliya u fadhiya Dowladda Talyaaniga

0
152

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasiirka Wasaardda Beeraha iyo Waraabka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Madoobe Nuunow ayaa maanta kulan mira-dhal ah la yeeshay safiirka Soomaaliya u fadhiya Dowladda Talyaaniga Mr. Alberto Vecchi iyo madax kale oo ka tirsan safaaradda.

Wasiir Axmed Madoobe Nuunow iyo Danjire Alberto Labada ayaa isbarasho kaddib kawada hadley sidii labada dal isaga kaashan lahaayeen horumarinta wax-soosaarka beeraha.

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee XFS ayaa waddo dadaalo isdaba jooga oo ku aadan sare u qaadidda tayada iyo awoodda wax-soosaar ee beerlayda Soomaaliyeed si loo helo isku filnaansho iyo sugnaan cunto.