Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Lionel Messi ayaa wacdarro dhigay iyadoo PSG ay 1-0 ku dubatay kooxda Lyon kulankii ka dhacay garoonka Groupama, iyadoo PSG ay labo dhibcood oo nadiif ah ku qabatay hogaanka Ligue 1.
PSG ayaa bilowgii ciyaartaba la wareegtay koontaroolka ciyaarta iyagoo hogaanka u qabtay ciyaarta markii ay socotay shan daqiiqo ka dib gool cajiib ah uu dhaliyay Lionel Messi oo aheyd goolkiisii shanaad ee xilli ciyaareedka.
Dhanka kale Napoli ayaa la wareegtay hogaanka Serie A ka dib markii ay 2-1 ku tumeen kooxda AC Milan oo ay soo gaartay guuldaradoodii ugu horeysay xilli ciyaareedka.
Qeybtii hore ee ciyaarta labada kooxood ayaa is mari waayay laakiin bilowgii qeybta labaad Napoli ayaa rigoore heshay waxaana u saxiixay oo hogaanka u dhiibay Politano.
Daqiiqado ka dib, AC Milan ayaa ciyaarta ku soo laabatay waxaana goolka barbaraha u saxiixay Oliver Giroud.
Ciyaarta oo 10 daqiiqo ay ka harsan tahay waxaa Napoli goolka guusha u dhaliyay wiilka tababaraha Atletico Madrid G. Simeone.