Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Manchester City oo ay ujeedadeedu tahay inay ugu yaraan si kumeel gaadh ah hoggaanka Premier League usii qabato ayaa booqanaysa dhigeeda Wolves kulan xiiso badan.
Premier League ayaa dib u bilaabmaya toddobaadkan walow saddex kulan markale loo baajiyay sababta geerida boqoradii England, City ayaa kulankeedii ugu dambeeyay ee horyaalka ah barbardhac lasoo gashay Aston Villa halka Wolves kulankeedii ugu dambeeyay guul ka gaadhay Southampton.
Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor
Sidoo kale waxa uu shaki ku jiraa haddii uu kulankan kasoo gaadhi doono weeraryahan Raul Jimenez oo dhaawac ku maqnaa, dhinaciisa saxeexii ugu dambeeyay ee Diego Costa ayaan la hubin haddii uu taam ahaansho jidh ciyaareed qabo maadaama oo uu mudo dheer koox la’aan ahaa kulamona ciyaarin.
John Stones ayaa daafaca midig kasoo muuqan kara iyadoo Joao Cancelo kasoo muuqanayo daafaca bidix halka Nathan Ake iyo saxeexa cusub ee Manuel Akanji ay ku dagaalami karaan booska kale ee daafaca dhexe kaddib Ruben Dias.
Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Kooxood
Wolves 4-3-3): Sa; Jonny, Kilman, Collins, Ait-Nouri; Nunes, Neves, Moutinho; Neto, Hwang, Podence
Man City (4-3-3): Ederson; Stones, Akanji, Dias, Cancelo; Gundogan, Rodri, De Bruyne; Silva, Haaland, Foden
Xogta Kulanka
Tartanka: Premier League
Garoonka: Molineux Stadium
Wakhtiga: 2:30 duhurnimo xilliga geeska Africa
Garsoore: Anthony Taylor